Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dagay Hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Madoobe, kaddib markii uu fashilmay shirkii madasha watashiga qaran ee ka socday Villa Somalia.
Garoonka diyaaradaha ee Sayid Cabdulle Xasan, ayaa waxaa wefdiga Axmed Madoobe ku soo dhaweeyay ku-xigeenadiisa iyo xubno kamid ah mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland.
Sidoo kale waxaa la filaya in warbaahinta uu la hadlo Axmed Madoobe hoggaamiyaha Jubbaland,isla markaana uu ka warbixiyo sababta rasmiga uu ku fashilay shirkii madasha watashiga qaran ee ka socday Muqdisho, iyo doorka Jubbaland.
Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco.