Heegan Ciidan oo Ka Jira Xadka Itoobiya iyo Eritre

0
38

Ciidamada Milateriga ee dalka Eritrea ayaa lagu soo waramayaa in lagu geliyey heegan buuxa, iyadoo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xooggan laga dareemayo xadka ay la wadaagto Itoobiya, gaar ahaan dhanka deegaanka Canfarta.

Sawir laga helay meel u dhow xadka ayaa muujinaya ciidamada Eritrea oo si buuxda u buux dhaafiyey aagga Canfar, taasoo muujineysa abaabul milatari oo sare.

Dhinaca kale, dowladda Itoobiya ayaa iyaduna ciidamo iyo gaadiid dagaal oo aad u badan ku daadisay xadka, iyadoo laga dareemayo saan-saan colaadeed oo cirka isku sii shareereysa.

Warbaahinta RNN ayaa soo tabisay in labada dhinac ay muujiyeen diyaar garow ciidan oo aan caadi ahayn, taasoo keentay walaac laga qabo isku dhacyo suurtagal ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhaq-dhaqaaqyadan, balse xaaladda ayaa si dhow isha loogu hayaa, waxaana laga cabsi qabaa in xiisad cusub ay ka qaraxdo gobolka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here