Friday, March 21, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYHay'adda Maareynta Musiibooyinka oo furimaha dagaalka u dirtay Dawo iyo dhaqaatiir

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo furimaha dagaalka u dirtay Dawo iyo dhaqaatiir

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) oo xoojineysa dadaallada yareynta khasaaraha ka dhasha dagaallada lagu cirib-tirayo khawaarijta ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo daawo luugu tala-galay in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah ee u taagan xoreynta dalka.

Dhaqaatiirta ayaa sal-dhig ka dhigan doona isbitaalka degmada Cadale, halka ay ka howl-gali doonaan, Moqokori, Aadan Yabaaal, Xaaji Cali, Guulane, Masaajidka Cali Gaduud iyo guud ahaan goobaha laga saaray kooxda Al-shabaab.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Hay’adda SoDMA Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed ayaa magaalada Muqdisho ka amba-bixiyay dhaqaatiirta iyo taageerada ay wadaan, halka isla todobaadkaan ay Hay’addu degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan geysay daawo loogu tala-galay in lagu dabiibo dhaawacyada iyo bukaannada kale ee baxnaannada caafimaad u baahan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments