Guddoonka golaha shacabka iyo kan aqalka sare oo ka tacsiyadeeyay geerida MW hore ee Somaliland

0
24

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore ee Somaliland Allaha ha u naxriistee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

“ Innaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun rabi SWT naxriistiisa jano haka waraabiyo marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland,waxaana xanuunka geerida marxuumka la qeybsanayaa qoyskiisa, eheladiisa iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed,rabi naxriistiisa jano ha siiyo dhamaan umadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan haka siiyo “ ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa sidoo kale sheegay in Allaha ha u naxriistee marxuumka uu ahaa oday Soomaaliyeed Sidoo kalena uu ahaa Astaan ummaddeed, indheer garad bulsho oo tariikh ku leh dowlad dhiska.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore ee Soomaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Marxuumka Alle uga baryay inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Marxuumku.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here