Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa daahfuray tababar la xariira horumarinta Caasimadda, u diyaar garowga doorshooyinka iyo wacyigalinta bulshada, kaas oo loo qabtay bulshada qeyba heeda kala duwan ee Degmada Boondheere.
Furintaanka tababarkan ao ay Goob joog kahaayeen Aggaasimaha Guud ee Xafiiska Duqa Muqdisho, Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Degmada Boondheere yaa si gaar ah diirada loogu saaray dardargalinta sidii bulshada Soomaaliyeed ay u xalin laheyd qilaafaadka dhaxdooda kajira iyo in loo gudbo Doorasho qof iyo Cod ah si loola jaan qaado ummadaha horumaray ee caalamka.
Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in maanta ummada Soomaaliyeed ay u bisi-shahay sidii ay cod kooda xorta ah ugu dooran lahaayeen qofkii ay u arkaan in masiirkooda ku amini karaan.