Guddoomiye Muungaab: “Wajigii Ugu Dambeeyay ee Dhul Burburinta ayaa Bilaabanaya”

0
98
Screenshot

Muqdisho – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey bilaabashada wajigii ugu dambeeyay ee qorshaha dhul burburinta, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha waxbarasho ee si sharci darro ah loogu degan yahay, si loo hirgeliyo goobo waxbarasho oo cusub oo tayo leh.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa warbaahinta u sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshaha dib-u-habeynta adeegyada bulshada, gaar ahaan dhanka waxbarashada, si loogu diyaariyo jiilka cusub xarumo waxbarasho oo casri ah, ammaan ah, kuna habboon waxbarashada.

“Dadka wali degan xarumaha waxbarasho ee Gobolka Banaadir waxaan ugu baaqayaa in ay si sharaf leh u baneeyaan, si aan ugu beddelno xarumo waxbarasho oo tayo leh. Waxaan bilaabaynaa wajigii ugu dambeeyay ee dhul burburinta,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in dhulalka laga saarayo dadka degan si sharci darro ah loo mariyey tixgelin iyo wadatashi, iyadoo la doonayo in shacabka aan loo arag kaliya inay ka guuraan, balse loo arkayo inay qeyb ka yihiin horumarka gobolka.

Waxaa la filayaa in wajigan ugu dambeeya uu saameyn ku yeesho xarumo badan oo muhiim ah, iyadoo maamulka uu balanqaaday in si mas’uuliyad leh loo wajihi doono arrinta, lana siin doono xalal bini’aadannimo oo ku saleysan wadaxaajood.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here