Saturday, November 23, 2024
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYGuddoomiye Cabdi Xaashi oo dib ugu soo laabtay dalka, kaddib safarkiisi Nairobi

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo dib ugu soo laabtay dalka, kaddib safarkiisi Nairobi

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu magaalada Nayroobi uga qeyb galay shirka sideed iyo tobanaad ee Guddomiyeyaasha Baarlamaannada Ururka Bulshada Bariga Afrika (𝐄𝐀𝐂)

Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika ay muhiimad wayn u leedahay Ururka iyo dalkeennaba, maadaama Soomaaliya ay leedahay Khayraad fara bada, dhul qani ah iyo Bulsho firfirkoon oo leh hal-abuur ganacsi, karti iyo u adkaysi xaaladaha kala duwan ee ganacsiga.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in midowgan uu tusaale wanaagsan u yahay dhammaan dowladaha qaaradda Afrika inay midoobaan ayna ka wada faa’iidaystaan khayraadka dhulalkooda, iskana kaashadaan arrimaha nabadgalyada iyo horumarinta dhaqaalaha iyo bulsho ee dadyawga qaaradda Afrika.

 

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments