Guddoomiyaha degmada Bardaale oo ka hadlay amniga degmada Bardaale

0
76

Gudoomiyaha Degmada Berdaale Maxamed isxaaq xasan (Caracase) oo ay wehliyaan gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda iyo saraakiisha amniga degmada berdaale ayaa dhiirigelin ugu tagay Qeybaha kala duwan Laamaha Amniga Degmada Berdaale ee Gobolka baay.

“Waxaan idin ballan qaadaya in askarigii aan xaquuq laheyn uu xaquuqdiisa heli doono, waxaana hadafkeenu uu yahay in degmada Bardaale iyo deegaanada hoosyimada aan ka xoreyno khawaarijta Al-shabaab oo dhac iyo dhiaabto ku hayaa shacabka.” Ayuu yiri guddoomiyaha degmada Bardaale Maxamed Isaaq.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ciidanka kula dardaarmay ka shaqeynta amniga Degmada Berdaale iyo Deegaanada Ku teedsan, isaga oo sidoo kalana ugu baaqay in ay sare u qaadanaya feejignaantooda, isla markaana ay shacabka ay la shaqeyaan si degmada Bardaale amnigeeda uu u noqdo mid laisku haleyn karo.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here