Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland (GMXD) ayaa maanta soo saaray jadwalka qabashada araajida murashaxiinta xilalka sare ee dowlad-goboleedka Jubaland.
Sida ku cad wargelinta rasmiga ah ee kasoo baxday guddiga, araajida murashaxiinta u tartamaya Guddoonka Golaha Wakiillada Jubaland ayaa la qaban doonaa maalinta Arbaco, 20-ka November 2024, halka murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Jubaland ay fursad u heli doonaan in ay araajidooda soo gudbiyaan inta u dhaxaysa 21-ka illaa 23-ka November 2024.
Dr. Mursal Siyaad Maxamed, Guddoomiyaha GMXD, ayaa ugu baaqay dhammaan murashaxiinta inay u hoggaansamaan shuruudaha sharciga ah, oo ay ku jirto helidda shahaadada murashaxnimo, taasoo la bixiyo kaddib marka la xaqiijiyo in shuruudaha la buuxiyay.
Dhanka kale, Guddiga ayaa ku booriyay shacabka iyo dhammaan dhinacyada kale ee ay arrintani khuseyso inay ilaaliyaan amniga iyo xasilloonida inta lagu guda jiro geeddi-socodka doorashada.