Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay heshiis ay wada galeen Soomaaliya & Tanzaaniya

0
70

Golaha wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xalay kulan xasaasi ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre, iyada oo dhammaan xubnaha golaha wasiirrada ay goob joog ka ahayeen.

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , ayaa  lagu ansixiyey Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Tanzania, kaas oo ku saabsan iskaashiga difaaca labada dal.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), Jihaynta warbaahinta iyo canshuurta gadista ee dalka laga dhaqan geliyay.

 

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here