Golaha wasiirrada ee XFS oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

0
20

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxa ay ku yeesheen magaalada muqdisho, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Kulanka golaha wasiirrada, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ka hadlayey xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Golaha ayaa meel-mariyey heshiis iskaashi amni, kaas oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq.

Golaha Wasiirrada ayaa dul istaaggay dagaallada ka socda dalka ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo Daacish, kuwaas oo jab-xoog leh ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka, kana saareen deegaanno iyo goobo kala duwan oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka­­, iyada oo laga dilay horjoogeyaal u badan ajaaniib, qaar kalena gacanta lagu dhigay.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here