Saturday, November 23, 2024
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYGolaha Ammaanka oo ku baaqay kordhinta gargaarka Magaalada Gaza

Golaha Ammaanka oo ku baaqay kordhinta gargaarka Magaalada Gaza

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Britain ayaa codsaday in si degdeg ah loo kordhiyo gargaarka la siinayo rayidka Falastiiniyiinta ee ku sugan Gaza, iyagoo ka digay in xaaladda bini’aadantinimo ee halkaas ka jirta ay ka sii dareeyso.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain David Lammy ayaa ku baaqay, in si weeyn kor loogu qaado gargaarka Gaza, halkaasoo inta badan 2.3 milyan oo deganaa ay barakaceen , taasoo ay uga sii dareen dhibaatooyinka bini’aadanimo.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa uga digay Turkiga Isniintii inuu martigeliyo hoggaanka ururka Hamas oo uu Mareykanku u aqoonsan yahay urur argagixiso.

Warbixino dhoowr ah ayaa ay tabiyeen warbaahinta ayaa lagu sheegay, in xubno sare oo ka tirsan hoggaanka Hamas ee ka baxsan Gaza ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen Turkiga ka dib markii laga codsaday inay ka baxaan Qatar.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Matthew Miller, ayaa sheegay in aanu taagneeyn meel uu uga hadlo warbixinnadaasi, isaga oo u deeynaya in ay ka hadlaan dawladaha ay khuuseeyso.

Source VOA

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments