Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay meel mariyay qaraar qabyo ah oo lagu dhisayo howlgalka taageerida iyo xasilinta ee midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Qaraarka qabyada ah ayaa waxaa ansixiyay 14 wadan, waxaana ka aamusay hal wadan, qaraarka ayaa waxa hoggaamineysay Dowladda UK.
Qoraalka qabyo-qoraalka ah ayaa u oggolaanaya Midowga Afrika (AU) inuu Soomaaliya geeyo illaa 12,626 askari, oo ay ku jiraan 1,040 boolIis ah, ilaa 30ka Juunyo 2025, iyo in la dhammaystiro taariikhdan dib u habeynta dhammaan ciidammada Midowga Afrika ee horey u ahaa ATMIS, si loogu guuro AUSSOM.
Sidoo kale AUSSOM waxay beddeli doontaa howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), kaasoo howshiisa uu ku eg yahay 31-ka December ee sannadkan 2024.
Ku-xigeenka ergayga joogtada ee UK, Danjire James Kariuki, ayaa tilmaamay in qaraarkan uu si adag u xoojinayo taageerida uu golaha siiyo Dowladda Soomaaliya.
“AUSSOM, waxaan u fasaxnay inay Soomaaliya ay ka tageerto dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab, xoojinta dedaalada xaslinta Soomaaliya, iyo awood bixinta gargaarka bani’aadamnimo ee Soomaaliya,” ayuu yiri Danjire James.