Geerida Taliye Cabdi Xiish oo la Xaqiijiyey – Wuxuu ku Shahiiday Dagaalkii Moqokori

0
98

Waxaa hadda si rasmi ah loo xaqiijiyey geerida Taliye Cabdi Xiish, oo ku geeriyooday dagaalkii culus ee ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Wararka la helayo ayaa sheegaya in warkiisa la la’aa wax ka badan 24 saac, kaddibna la helay meydkiisa maanta, taasoo si weyn u gilgishay ciidamada iyo shacabka deegaanka.

Taliye Cabdi Xiish ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha laf-dhabarta u ahaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda gobolka Hiiraan, isagoo door weyn ka qaatay howlgaladii xoreynta ee ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo xoogagga deegaanka ee Macawiisleyda.

🕯 Geeridiisu waxay tahay khasaare weyn oo gaaray dagaalka socda iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada ku sugan gobolka ayaa sheegay inay sii wadayaan howlgallada, ayna ka go’an tahay in dhiigga Taliyaha uusan noqon mid aan laga aarsan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here