Wararka inaga soo gaaraya Degmada Cadalle ee katirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa sheegayan in gaadiid xamuul ah oo ka baxay Muqdisho, ay ku xayiran yihiin Degmadaasi.
Gadiidkan oo sida shixnado kala duwan kana baxay Muqdisho, ayaa la tilmaamay in dhowr maalin ay ku xayiran yihiin duleedka Degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wararka qaar ayaa sheegaya in sababta ay u xayiran yihiin gaadiidkaasi ay tahay maleeshiyaad isbaarooyin dhigtay inta u dhaxeysa degmadooyinka Warsheekh iyo Cadalle kuwaasi oo lacago badan duldhigay gadiidka.
Qaar kamid ah Darewalada gadiidka wada ayaa waxa ay baaq u direen Dowladda Dhexe iyo maamulka Hirshabelle, waxa ayna ugu baqeen in ay wax ka qabtaan dhibaatadan ay ku hayaan maleeshiyaadkan isbaarooyinka dhigtay inta u dhaxeeysa Muqdisho iyo Degmada Cadalle ee Shabeellaha Dhexe.
Sikastaba ha ahaate gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa inta badan waxaa lagu tiriyaa deeggaanada ay ku badan yihiin aanooyinka qabiil iyo isbaarooyinka, waxaana xusid mudan in isbaarooyinkaasi qaarkood ay u yalaan mas’uuliyiin katirsan Dowladda dhexe iyo Hirshabelle.