“Fahad Yaasiin: Madaxweyne Xasan wuxuu Madasha Qaranka u rogay Golaha Sare ee Kacaanka”

0
94

Muqdisho – 6 May 2025

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo horey u ahaa Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka (NISA) islamarkaana ah siyaasi aad u firfircoon, ayaa eedeyn culus u jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku dhaliilay inuu si kaligiis ah u qabsaday hanaankii siyaasadeed ee dalka.

Qoraal kooban oo uu ku baahiyey baraha bulshada ayuu Fahad Yaasiin ku yiri:

“Madaxweyne Xasan… Doorasho heshiis lagu yahay ayuu ku beddelay xisbi weyn iyo kaligay baa is la tartamaya. Golihii Madasha Qaranka-na wuxuu ku beddelay Golaha Sare ee Kacaanka.”

Hadalka Fahad Yaasiin ayaa si maldahan u muujinaya in madaxweynaha uu jebiyey ballanqaadyadii ku salaysnaa doorasho heshiis lagu yahay oo lagu dhisayo nidaam dimuqraadi ah, iyadoo hadda la dareemayo in dhinac kaliya uu go’aamada qaadanayo.

Erayada uu adeegsaday sida “Golaha Sare ee Kacaanka” ayaa si toos ah u taabanaya nidaamkii kali-taliska ahaa ee Soomaaliya soo maray, taasoo dad badan u arkeen inay tahay digniin siyaasadeed oo la xiriirta isbeddel halis ah oo ka dhacaya hannaanka dowlad-dhiska dalka.

Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu muran weyn ka taagan yahay habsami u socodka shirka Madasha Wadatashiga Qaran, iyadoo qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada aysan kasoo qeyb galin, halka mucaaradka ay cabasho ka muujiyeen sida wax loo wado.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here