Facebook oo Horumar Weyn ku Sameeyay Habka Lacag Kasbashada: “Content Monetisation”

0
210
Screenshot

RNN Somali TV – Tiknoolojiyada & Baraha Bulshada | Taariikh: 2 May 2025

Facebook ayaa si rasmi ah u mideeyay dhammaan hababkii kala duwanaa ee hore loogu isticmaali jiray lacag kasbashada, iyadoo hadda loo bixiyay magaca guud ee “Content Monetisation” – nidaam cusub oo fursad u siinaya hal-abuurayaasha inay si sahlan dhaqaale uga sameeyaan waxyaabaha ay ku baahiyaan barahooda.

Maxay Tahay Content Monetisation?

Content Monetisation waa hab si rasmi ah kuu oggolaanaya inaad ka faa’iidaysato waxyaabaha aad geliso Facebook – haddii aad buuxiso shuruudaha siyaasadeed, anshaxeed iyo tirada dadka raacsan.

Waxaad dhaqaale ka samayn kartaa:

• Qoraallo caadi ah (Text posts)

• Sawirro

• Qoraal iyo sawir isla socda

• Muuqaallo iyo Reels

Sawirro iyo Qoraallo oo Kordhiyay Fursadaha

Warbixinaha cusub ayaa muujinaya in qoraallada iyo sawirrada caadiga ah ay hadda dhaqaale ahaan ka faa’iido badan yihiin muuqaallada caadiga ah ee lagu daabaco Facebook. Tani waxay fursad weyn siinaysaa dadka aan awoodin samaynta muuqaallo muuqaal ah, balse leh hal-abuur qoraal iyo sawir leh.

“Haddii aad horay u oran jirtay ‘Muqaal ma duubi karo,’ maanta fursad baa kuu furan – sawirkaaga iyo qoraalkaaga ayaa noqon kara lacag,” ayuu yiri mid ka mid ah hal-abuurayaasha Soomaaliyeed ee fursaddan ka faa’iideystay.

Fariin Toos ah oo ku Socota Dhalinyarada

Hal-abuurayaashu waxay dhalinyarada Soomaaliyeed kula dardaarmeen inay waqtigooda si hal-abuur leh uga faa’iideystaan baraha bulshada halkii ay ku lumiyaan muran qabiil ama is-dhacyo aan faa’iido lahayn.

“Qabiil ha ku mashquulina — noloshiinna ku maareeya baraha bulshada si sharaf leh oo hal-abuur leh.”

Sidee Loo Bilaabaa?

Si aad u bilowdo Content Monetisation, waa inaad leedahay:

• Page leh ugu yaraan 5,000 raacsan

• La socota siyaasadaha lacag kasbashada ee Facebook

• Ugu yaraan 60,000 daawasho (minute views) ee 60 maalmood ee ugu dambeeyay (haddii aad rabto monetisation muuqaal)

Gunaanad

Tani waa fursad dahabi ah oo u furan dhalinyarada Soomaaliyeed ee hal-abuurka leh. Ma ahan inaad leedahay qalab qaali ah – waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa maskax hal-abuur leh iyo go’aan dhab ah.

RNN Somali TV waxay sii wadeysaa la socodka isbeddellada teknolojiyada iyo fursadaha ay dhalinyarada Soomaaliyeed ka heli karaan baraha bulshada.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here