Faahfaahin Dheeraad ah oo Ku Saabsan Qaraxii Ka Dhacay Xero Damaanyo ee Muqdisho

0
35

Muqdisho – Faahfaahin horudhac ah ayaa laga helayaa qarax ismiidaamin ah oo saakay ka dhacay xarunta Xero Damaanyo oo ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ahayd meel ay ku sugnaayeen dhallinyaro isugu diyaarinaysay inay ku biiraan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Qaraxa oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa la sheegay inuu fuliyay qof isa soo miidaamiyay oo si toos ah isku dhex qarxiyay dadkii safka ugu jiray isdiiwaangelinta. Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ah xarun ciidan oo si gaar ah loogu xusho kana diiwaangaliyo dhallinyarada ku biiraysa ciidanka, taasoo ka dhigtay goob la bartilmaameedsan karo.

Markii uu qaraxu dhacay, waxaa laga maqlay jug culus iyo uuro madow oo cirka isku shareertay, iyadoo dadka ku sugnaa agagaarka xerada ay dareemeen cabsi xooggan iyo jahwareer.

Wararka rasmiga ah ee la helay waxay sheegayaan in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof, halka 9 ruux oo kale ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen. Dadka waxyeelladu soo gaartay ayaa isugu jira dhallinyaradii doonaysay in ay ciidanka ku biiraan iyo dad shacab ah oo meesha marayay ama ku sugnaa agagaarka xerada.

Dhaawacyada qaar ayaa la sheegay inay yihiin kuwo culus, waxaana la geeyay isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dabiibayo.

Inkasta oo aysan jirin cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, haddana weerarkan ayaa lagu tilmaamay mid xanuun badan oo si toos ah u beegsaday rajooyinka dhallinyarada Soomaaliyeed ee doonaya in ay dalkooda u adeegaan.

Illaa hadda ma jiro war kasoo baxay dowladda Federaalka ama wasaaradda gaashaandhigga oo si rasmi ah uga hadlaya dhacdadan, balse laamaha amniga ayaa bilaabay baaritaan, iyagoo xiray waddooyinka ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay.

RNN Somali TV waxay sii wadeysaa raadinta xogta rasmiga ah, iyadoo shacabka ugu baaqeysa in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga oo haatan ku howlan baaritaanka falkaasi foosha xun.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here