Falalka guracan ee maalmahan ku soo badanaya Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa xariga goostay waxaana la soo warinaya in sacaado ka hor degmadaasi uu ka dhacay dil naxdin leh oo loo geystay haweeney Xaamilo ah oo kamid aheyd dadka deegaanka.
Dilka haweeyneyda, ayaa waxaa ka dambeeyay askari katirsan ciidanka degmada Kaxda, kaasi oo la sheegay in si bareer ah uu u toogtay haweeneyda xili ay ku sugneed gurigeeda, sida ilo wareedyo ay inoo shegeen.
Si dhab looma oga sababta uu askariga u dilay Haweeneyda Xaamilada aheyd, waxaana la sheegay in askariga dilka geysay uu goobta ka baxsaday, mana jirto cid ilaa iyo hadda gacanta ku soo dhigtay.
Sidoo kale Maamulka Degmada Kaxda kama uusan hadlin wali dilka naxdinta leh ee ka dhacay Degmada Kaxda,isla markaana loo geystay haweeney xaamilo aheyd.
Sikastaba dhibaatooyinka ka dhacaya maalmahan degmada Kaxda, ayaa soo badanaya waxaana taasi dadka qaar ay qabaan in shaqadii maamulka degmada ay meesha ka baxday.