Duqeyn xooggan oo lala beegsaday saldhiga ku yaalla buuraha Calmiskaad

0
51

Faaf faahino kala duwan ayaa kasoo baxeysa duqeyn diyaaradaha Maraykanka ay xalay ka fuliyeen Togga Miiraale oo ku yaalla buuralaysa Calmiskaad ee gobolka Bari ee Soomaaliya.

Bayaan kooban ka soo baxay dawladda Puntland ayaa lagu sheegay duqaynta ay diyaaradaha Maraykanku xalay ka fuliyeen Togga Miiraale lagula beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Ururka Daacish.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay duqaymaha Maraykanku ee deegaannadaasi ka dhacay.

Ma aha markii ugu horraysay ee Maraykanku uu dhanka cirka ka duqeeyo kooxda Daacish ee dagaalka kala soo horjeedda ciidamada Puntland oo dhinaca kale garab ka helaya Beesha Caalamka.

Laga soo bilaabo bishii Febraayo, duqayntii uu amray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee laga fuliyey Buuraha Calmiskaad, waxaa xigay dhowr jeer oo kale oo saaxiibbada caalamiga ee Soomaaliya ay duqaymo ka fuliyeen agaggaasi.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here