Sunday, February 23, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYDuqeyn lagu dilay xubno Ajaanib ah oo katirsan Daacish oo laga fuliyay...

Duqeyn lagu dilay xubno Ajaanib ah oo katirsan Daacish oo laga fuliyay buuraha Calmiskaad

Qoraalka kasoo baxay  Taliska ciidamada Puntland, ayaa looga hadlay duqeymihii u dambeeyey  ee diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee lagu beegsaday xubno katirsan Daacish.

Qoraalka kasoo baxay Ciidamada, ayaa lagu sheegay in lagu dilay duqeyntii xalay ka dhacay deegaanka Shebaab ee katirsan buuraha Calmiskaad lagu dilay 30 xubnoo oo katirsan Daacish, una badan Ajaanib, sidoo kalana lagu burburiyay gaadiid ay xubnahaasi wateen.

“In ka badan labo duqeyn ayaa ka dhacday deegaanka Shebaab ee buuraleyda Calmiskaad, waxaana lagu dilay in ka badan 30 Daacish ah oo u badan Ajaanib, isla markaana waxaa la gubay gaarigii saadka u waday”. ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay Puntland.

Ugu dambeyn qoraalka kasoo baxay Puntland, ayaa lagu sheegay in xubnaha katirsanaa Daacish, ee lagu dilay howlgallada ka socda buuraha Calmiskaad  ay gaarayaan 200 xubnood.

Duqeymaha diyaaradah ayaa waxaa  inta badan fuliya  wadamada dowladda Soomaaliya ka caawinaya dagaalka ay kula jirto kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ee ka socda dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments