Sunday, February 23, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYDuqeyn lagu burburiyey warshadii qaraxyada iyo biraha gaadiidka u sameyn jirtay Daacish

Duqeyn lagu burburiyey warshadii qaraxyada iyo biraha gaadiidka u sameyn jirtay Daacish

Duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay deegaanka Sheebaab ee buuraha Calmiskaad ee Puntland, ayaa lagu burburiyey warshadii qaraxyada u sameyn jirtay kooxda Daacish.

Taliska howlgalka ciribtirka kooxda Daacish ee Puntlad, ayaa shaaciyay in weerarkii xalay ee duqeymaha lagu burburiyey warshadii ugu weyneed kooxda Daacish, ay qaraxyada iyo gaadiidka u sameyn jirtay.

Qoraal kasoo baxay Taliska Puntland ee howlgalka, ayaa lgu sheegay in duqeymaha jab xooggan lagu gaarsiiyey kooxda Daacish.

Waxaa la gubay warshadii Argagixisada Daacish ee qaraxyada iyo biraha gawaarida ku sameyn jirtay, iyada oo isla duqeynta lagu dilay xubnihii ku sugnaa goobta ee Daacish katirsanaa, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay howlgalka ciribtirka kooxda Daacish ee Puntland.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Taliska laguma sheegin tirade xubnaha lagu dilay duqeyntii xalay, marka laga soo tago in duqeynta lagu burburiyey warshadii kooxda Daacish u sameyn jirtay qaraxyada.

Ma’ahan markii ugu horeeysay ee duqeymo lala beegsado goobaha ay Daacish kaga sugan tahay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments