War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay howlgal duqeymo ah oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, kaasi oo laga fuliyay buuraha Calmiskaad ee Puntland
Duqeynta oo dhacday 22-ka Feberayo 2025, ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaal katirsan Daacish oo ku dhuumaalaysanayay Buuralayda Calmiskeed ee gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland.
“Hawlgalka duqeymaha ah oo si guul ah ay u fuliyeen Ciidanka Mareykanka oo la shaqeynayaa Hay’adaha Amniga Qaranka Soomaaliya waxa ay dhaceen fiidkii 21 Febraayo iyo shalay 22-ka Febraayo 2025, waxaana lagu taageerayay hawlgalka geesiyaasha Ciidanka Daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan haraadiga Khawaarijta Daacish.” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda.
Sidoo kale Bayaanka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in qiimeynta hore ee howlgalka ay muujineyso in saddex xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeymaha, sidoo kale aysan wax dhibaato ah kasoo gaari dad rayidka.
Ugu dambeyntii bayaanka lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska AFRICOM waxa ay sii wadi doontaa qiimeynta natiijooyinka hawlgalkaasi, oo wali socda, wixii ka soo kordhana waxaan la socodsiin doonaa dadweynaha”.