Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo culus oo loo adeegsaday walxo qarxa, oo xalay diyaaradaha Itoobiya ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.
Inkasto ay dowladda federaalka Faah faahin, ka bixin duqeynta, balse saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka, ayaa sheegay in weerarka duqeynta uu ahaa mid qorsheysan lala beegsaday goobo cayiman oo ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe .
Sidoo kale waxaa adag in xogo dheeraad ah laga helo duqeynta iyo waxyeelada ka dhalatay, maadama degmadaasi ay kamid tahay goobaha ay ku xooggan yihiin dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.
Geesta kale waxaa sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayeen goobo kala duwan oo dab ka holcaya, isla markaana lagu sheegay in uu yahay suuqa Quduurta iyo Hilibka ee degmada Jilib.
Sikastaba, saacadihii lasoo dhaafay waxaa duqeymo xooggan ay ka dhaceen deegaano ka kala tirsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe.