Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen “Mungaab”, ayaa maanta si rasmi ah dhagax-dhigay waddo muhiim ah oo dib-u-dhis lagu sameynayo, isagoo ku adkeystay in maamulka gobolka Banaadir uu ka go’an yahay in la hormariyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee caasimadda, gaar ahaan waddooyinka burbursan.
Munaasabadda oo ka dhacday mid ka mid ah degmooyinka muhiimka ah, ayuu Mungaab kaga hadlay caqabadaha hor taagan dhismaha waara ee waddooyinka, wuxuuna si adag u canbaareeyay shirkadaha ganacsiga ee fiilooyinka korontada, internet-ka iyo kuwa kale si sharci-darro ah uga dhex jeexa waddooyinka la dhisayo.
“Marka la dhiso waddo, waxaa nasiib darro ah in roobka ugu horreeya uu waxyeeleeyo. Tani ma ahan mid la aqbali karo. Shirkad kasta oo wadooyinka dhaawacda fiilo ku jeexaya, waa in ay la xisaabtamaan. Caasimad tayo leh ma noqon karto haddii aan si wadajir ah u ilaalin wayno kaabeyaasheeda,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Waddadan la dhisayo ayaa la filayaa in lagu sameeyo biyo mareen casri ah si looga hortago daadadka roobka, lana ilaaliyo heerka tayada dhismaha si aysan u noqon mid burbura roobka ugu horreeya kadib.
Dadka deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay mashruucan, iyagoo sheegay in waddooyinku ay muhiim u yihiin horumarka, isu socodka shacabka iyo ganacsiga gudaha.