Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka cusub ee Waqooyi bari Soomalaaya ayaa loo doortay Dr Aden Abdullahi Aw Hassan .
Waxa uu Dr Adan Cabdulahi helay 53 cod, halka musharaxii kale ee la tartamayay Cabdiqafaar Dheeliye, uu helay 29-cod, hal cod ayaana hallaabay.
Dr. Aadan ayaa hoggaamin doonaa 83-da mudane ee baarlamaankan cusub.
Doorashada Labadiisa kuxigeen ayaa haatan loo gudbay.
