Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Tahriibayaashi ay doonta kula degtay Jasiiradda Madagaskar

0
56

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo dalka dib loogu soo celinayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay biyaha dalka Jasiiradda Madagaskar.

Shirka jaraa’id oo ku Muqdisho ku qabtay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daauud Aweys, ayaa ugu horeeyn  tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen 22-ka ruux ee masiibadan ku dhintey, isagoo dhanka kalena xusay in 48-ka qof ee la soo badbaadiyay ay gacanta ku hayso Dowladda Madagaskar.

Wasiirka ayaa sheegay in xogta dhacdada ay la soo wadagtay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Madagaskar,isla markaana aydowladaasi ku guuleystay in soo sama-tabixiso 48 ruux oo kamid ka haa 70 qof ee ay la degtay labadii Doon, ee ay sarnaayeen.

Wasiir Aweys ayaa carabka ku dhuftay in Dowladda Soomaaliya ay guddi u direyso halkaasi si loo soo eego xaaladaha muwaadiniinta Soomaaliyed, isla markaana ay dowladda ka shaqeyneyso in dalka dib loogu soo celiyo Muwaadiniintaas.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay in dowladda ay u kuur gali doonto in dhammaan dadka lasoo soo bad-baadiyay ay Soomaali yihiin, madaama ay dowladda Madagaskar sheegtay in aysan kala garaneynin in dhammaan dadka ay yihiin Soomaali.

Sikastaba marka laga soot ago hadalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya, waxaa warar madax-banaan ay shegayaan in tirada dadka ku dhintay ay yihiin 28 qof qof oo labada Doon kala saarnaa.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here