Dowladda Soomaaliya oo Beesha Caalamka uga Digtay Faragelinta Arrimaheeda Gudaha

0
79

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warqad rasmi ah u dirtay waddamada xubnaha ka ah kooxda C6+ ee beesha caalamka, iyadoo uga digtay inay si wadajir ah uga hadlaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, taasoo ay dowladda ku tilmaamtay mid aan la aqbali karin oo faragelin ku ah madaxbannaanida dalka.

Qoraalka dowladda oo nuqul ka mid ah la helay, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya aysan ogolaan doonin in kooxaha beesha caalamka ee isku tagay C6+ ay si guud uga shirkaan ama uga go’aamiyaan arrimaheeda gudaha. Dowladdu waxay hoosta ka xarriiqday in wadashaqeynta diblomaasiyadeed ay ku salaysan tahay xiriir toos ah oo laba geesood ah (bilateral) oo ay dowlad kastaa la yeelan karto dowladda Soomaaliya.

Kooxda C6+ oo ka kooban:

• Qaramada Midoobay (UN)

• Midowga Afrika (AU)

• Midowga Yurub (EU)

• Urur Goboleedka IGAD

• Dowladda Maraykanka

• Dowladda Ingiriiska

Waxay warqadda si gaar ah ugu adkaysatay in aan loo dulqaadan doonin isku dayo lagu hoos keenayo arrimaha dalka go’aanno ka yimaada koox caalami ah oo si isku dhafan u metelaya danaha shisheeye.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in dowladdu diyaar u tahay inay sii waddo wada-hadal iyo iskaashi la leh waddamada beesha caalamka, balse aysan marnaba ogolaan doonin in shuruudo gaar ah lagu xiro arrimaheeda madax-bannaanida u baahan.

Warqaddan ayaa dhalisay falcelin degdeg ah, waxaana maanta la filayaa in wadamada xubnaha ka ah C6+ ay yeeshaan kulan gaar ah oo degdeg ah si ay uga falceliyaan qoraalka kasoo baxay Villa Somalia.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli siyaasadda gudaha ee Soomaaliya ay marayso xaalad xasaasi ah, iyadoo doorashooyin horay loo qorsheeyay, khilaafaad siyaasadeed, iyo xaalado amni ay si isdaba joog ah u saameynayaan qorshayaasha dowladda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here