Dowladda Qatar oo xereysa Xafiiska Kooxda Xamaas ee ku laheyd Magaalada Doha

0
44

Dowladda Qatar ayaa u sheegtay Xamaas inay qasab tahay inay xidho xafiiskeeda dublamaasiyadeed ee Doha, amarkan ayaa soo baxay toban maalmood ka hor ka dib codsi ka yimid Maraykanka siday saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Biden ay u sheegeen wargeyska Times of Yahuuda .

Qatar ayaa ogolatay in magaalada Doxa xarun ka dhigtaan madaxda siyaasada ee Xamaas tan iyo sannadkii 2012-kii, iyadoo ay jireen codsiyo uga yimid maamulladii Mareykanka ee kala dambeeyay oo doonayey inay xidhiidh la yeeshaan ururka Xamaas.

Tan iyo weerarkii Xamaas ee Oktoobar 7, Maraykanku wuxuu ku wargeliyay Qatar inaysan Xamaas ayna sii joogi karin dalka Qatar. Xamaas waxaa laga yaaba inay u guuraan dalalka Turkiga iyo Iraan. Tan ayaa muujinaysa tabar darada dowladaha Carabta iyo fashilkooda.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here