Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Shaacisay Geerida Horjoogihii Al-Shabaab ee Ka Dambeeyay Shirqoolada Muqdisho iyo Labada Shabeelle

0
22

Muqdisho – Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ku sheegtay in la dilay Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogihii ugu sarreeyay kooxda Al-Shabaab ee ka howlgalayay gobolka Banaadir, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Cabaas uu u dhintay dhaawacyo culus oo kasoo gaaray howlgal qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Dhaawacyadaasi ayaa sababay xanuuno kale oo dhanka caafimaadka ah, taasoo ugu dambeyn keentay in uu geeriyoodo.

Dowladdu waxay sheegtay in dilka Cabaas uu yahay dhirbaaxo weyn oo lagu dhuftay kooxda Al-Shabaab, maadaama uu ka mid ahaa maskaxda ka dambeysay weerarro iyo falal amni darro oo muddo dheer ka socday caasimadda iyo gobollada ku xeeran.

Howlgalka lagu dilay horjoogahan ayaa qeyb ka ah dadaalka socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in dalka laga ciribtiro kooxda Al-Shabaab.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here