Dowladda Federaalka Soomaaliya oo beenisay wararka sheegaya in ciidamo loo dirayo gobolka Sanaag

0
78

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u beenisay wararka la faafinayo ee sheegaya in ay qorsheyneyso in ciidamo federaal ah loo diro gobolka Sanaag, oo ka mid ah deegaanada muranku ka jiro ee waqooyiga Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Mucaallim Fiqi, ayaa ka hadlay arrintan isagoo sheegay in aysan jirin wax qorshe ah oo dowladda Federaalka ay ku dooneyso in ciidamo u geyso gobollada Sanaag ama Sool.

“Waxaan caddeynaynaa in dowladda Federaalka aysan ciidan geynin gobolka Sanaag iyo Sool. Sabab loo geeyo ciidamana ma jirto. Shaqsiyaadka dowladda ku eedeynaya arrintaasna wax caddeyn ah ma hayaan oo aan ahayn eedayn caalwaa ah, taasoo muujinaysa in aysan awood u lahayn inay hor istaagaan rabitaanka shacabka deegaankaas,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa si kulul u cambaareeyay dadka faafinaya wararka sheegaya in dowladda Federaalka ay doonayso in ay faragelin millatari ka sameyso deegaannadaas. Wuxuu sheegay in eedaymahaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ay yihiin kuwo lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed.

“Isma qabato in la yiraahdo Xamar ayay dowladda xukumi weyday, isla markaasna lagu eedeeyo in ciidamo ay geyneyso Sanaag. Sidoo kale, isma qabato in la yiraahdo dowladda Federaalka waxay diidan tahay nidaamka federaalka, isla markaasna la sheegayo inay dhiseyso dowlad-goboleed cusub,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in nidaamka federaalka uu yahay mid dastuurka dalka ku qeexan, loona baahan yahay in la daryeelo, lana tixgeliyo rabitaanka shacabka ee ku saleysan dastuurka iyo heshiisyadii hore.

“Nidaamka federaalka waa nidaam dalku qaatay oo dastuuri ah. Hirgelintiisa iyo dhowristiisuna waa waajib saaran dhammaan hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku adkeeyay Wasiirka Gaashaandhigga.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay jireen warar laga faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar oo sheegaya in Dowladda Federaalka ay ciidamo u direyso gobolka Sanaag, taasoo horseeday hadal heyn iyo dareen siyaasadeed oo xooggan.

Dowladdu waxay ku baaqday in la joojiyo wararka been abuurka ah ee wax u dhimaya xasiloonida iyo midnimada dalka, iyadoo carabka ku adkaysay in ay ka go’an tahay ilaalinta dastuurka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here