Sunday, April 13, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYDowladda federaalka oo ciidamo dheeraad ah geysay furimaha dagaalka

Dowladda federaalka oo ciidamo dheeraad ah geysay furimaha dagaalka

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan degmada  Ruunnirgood, ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay sacaadihii lasoo dhaafay ciidamo dheeraad ah geysay degmadaasi.

Meela ay Dowladda  ciidamada geysay  waxaa kamid ah deegaanka Cadaan-laxey ee hoostaga degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cutubyo katirsan ciidamada Booliska gaar ah ee Haramcad, ayaa kamid ah ciidamada ay dowladda geysay fuirmaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisley, ayaa durbo bilaabay howlgallo ay ku xaqiijinayaan amniga deegaanka,  si ay uga hortagaan dhaq-dhaqaaqa ay Al-shabaab kawadaan gobolka.

Dowladda federaalka iyo maamulka Hir-shabeelle, ayaa dhowaan sheegay in la xoojin doono howlgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab, ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments