Dowladda dhexe oo wefdi u direysa Kenya si arrinta A.Madoobe ugula hadasho

0
48

Sida aan ka soo xiganay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Wafdi sare oo kasocda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maanta u socdaalayaan Kenya, si ay ugala hadlaan arrimaha Jubbaland, ugana codsadaan in ay dhinaceeda taageerto dawladda Kenya, maadaama hadda isqabad kagudbay xaduudaha siyaasada soo kala dhexgalay Villa Somalia iyo Jubbaland.

Dawladda Federaalja ayaa saaka ciidan horleh geysay Raaskambooni, iyadoo kafakaraysa in ay deegaano kale ciidan geyso oo kamid ah gobalka Jubbada Hoose.

Sidoo kale ciidamadii JL ee dhawaan la sheegay in ay isku dhiibeen Dowladda Soomaaliya, ayaa Muqdisho lageynayaa, iyadoo dawladdu ay soo dhaweyn u sameyn doonto darajooyin lagu siinayo.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here