Waxaa galabta si kedis ah u burburtay diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda Air India, taasoo qaadayay 242 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaalaha diyaaradda. Diyaaradda oo ah nooca Boeing 787-8 Dreamliner ayaa kasoo duushay garoonka caalamiga ah ee Ahmedabad saacaddu markay ahayd 1:38 duhurnimo, iyadoo ku wajahneyd magaalada London, caasimadda dalka Ingiriiska.
Goobjoogayaal iyo saraakiil ka tirsan laamaha gurmadka degdegga ah ayaa xaqiijiyay in diyaaraddu ku burburtay xaafadda Meghani Nagar ee magaalada Ahmedabad, dhowr daqiiqo kadib markii ay hawada gashay. Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in burburka uu sababay qarax gudaha ah, balse baaritaan rasmi ah ayaa socda.
Qowmiyadaha rakaabka saarnaa diyaarada waxaa ka mid ahaa:
• 169 qof oo u dhashay Hindiya
• 53 muwaadin oo u dhashay Britain
• 1 muwaadin Canadian ah
• 7 muwaadin oo u dhashay Portugal
Waxaa socda hawlgallo baaxad leh oo gurmad ah oo ay hoggaaminayaan ciidamada dab-demiska, booliiska iyo ciidamada gurmadka degdegga ah, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo badbaadinta dadka laga yaabo inay ka badbaadeen shilka.
Wasiirka Gaadiidka Cirka ee India ayaa sheegay in guddiga baaritaanka shilalka duulista loo xil saaray baaritaanka sababaha rasmiga ah ee ka dambeeyay shilkan. Wuxuu sidoo kale xusay in la xiriirayo qoysaska dadka saarnaa diyaaradda si loogu wargeliyo xaaladooda.
Shilkan ayaa noqonaya mid kamid ah shilalkii ugu weynaa ee diyaaradaha rakaabka ee dalka India tan iyo burburkii diyaaraddii Air India Express ee sanadkii 2020.
Warbixinno dheeraad ah iyo faahfaahin rasmi ah ayaa lagu wadaa inay kasoo baxaan dowladda India iyo shirkadda Air India saacadaha soo socda.