DFS oo Cambaaraysay Afduubka Markabka SEA WORLD, Digniin Adagna Dirtay

0
31

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay fal afduub ah oo lagu qaaday markabka lagu magacaabo SEA WORLD, kaas oo sida ay DFS sheegtay uu si sharci ah ugu socday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan iyo badeecooyin ganacsi.

Markabkan, oo wata calanka Jasiiradda Comoros, ayaa la sheegay inuu sido qalab loogu talagalay Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM, waxaana loo waday iyada oo la raacayo heshiiska iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. DFS ayaa intaa ku dartay in badeecooyin ganacsi oo gaar u ah ganacsatada Soomaaliyeed sidoo kale la saarnaa markabka, taasoo caddayn u ah in safarkiisu ahaa mid si buuxda sharci ugu dhisan.

Dowladdu waxay sheegtay in falka afduubka lagu sameeyay markabka uu yahay xadgudub weyn oo ka dhan ah dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka, gaar ahaan Qodobka 54aad, oo Dowladda Federaalka si gaar ah ugu xilsaaraya ilaalinta iyo difaaca qaranka bad iyo barri. Waxaa lagu tilmaamay in tallaabadan ay qaadeen kooxo ka tirsan Maamulka Puntland ay si toos ah u dhaawacayso midnimada, madax-bannaanida iyo amniga qaranka Soomaaliyeed.

DFS waxay ku sheegtay falkaas inuu hoos imanayo qeexitaanka burcad-badeednimada ee lagu xusay Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS, 1982), iyadoo sidoo kale lagu xadgudbay xeerarka ciqaabta ee dalka. Sida ay DFS sheegtay, fal kasta oo lagu afduubo markab si sharci ah u socda waxaa loo aqoonsanayaa fal dembiyeed caalami ah oo ciqaab adag mudan.

Dowladdu waxay codsatay in markabka si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo, maadaama shixnaddu ay sharci ahayd oo lagu waday ujeeddooyin amni oo si toos ah u quseeya sugidda xasilloonida dalka. Sidoo kale, waxay uga digtay Maamulka Puntland in ay sii wadaan hawlgallada sharci-darrada ah ee xeebaha ku aaddan maamulkaasi, iyada oo ku boorrisay in lala shaqeeyo DFS si loo xaqiijiyo marin ammaan ah oo maraakiibta sharciyeysan ay ku gudbaan badda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka waxay sidoo kale caddeysay in ay ka go’an tahay in lala xisaabtamo cid kasta oo ku lug yeelata falalka burcad-badeednimo, iyadoo lagu dhaqayo xeerarka ciqaabta gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Tallaabo kasta oo lid ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, gaar ahaan mida badeed, waxaa DFS ku sheegtay in ay ka qaadi doonto jawaab amni oo sharciyeysan.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqday dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, oo ay ku jirto Puntland, in ay ixtiraamaan awoodaha dowladda dhexe ee ku saleysan difaaca qaranka. Faragelinta aan sharciyeysneyn, sida ay DFS sheegtay, waxay halis gelinaysaa amniga qaranka iyo xasiloonida guud ee dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here