Wararka inaga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay askari katirsan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Dilkan ayaa yimid ka gadaal markii askariga la dilay uu share-gareeyey muqaal lasoo dhigay barta aalada Facebook, kaasi oo ku saabsanaa muqaal laga  duubay Taliye katirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo handaya nin miskiin ah.
Wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayaan in Taliyaha dilka geystay oo lagu magacaabo Ibraahim Futashaari oo ah Taliyaha Barta dhexe ee degmada Afgooye uu ka carooraday muqaalka uu share-gareeyey alle hau naxariiste marxuumka, waxaana xiliga dilka loo geysanayay uu ku sugnaa afaafka hore ee gurigiisa.
Ilaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay laamaha amniga ee degmada Afgooye, oo la xiriira dilka loo geystay askariga katirsanaa ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.