DEGDEG:Shariif oo Axmed Madoobe ku tageeray doorashadii maanta uu ku soo baxay

0
79

Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG u aheyd Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay doorashii maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo oo markii saddexaad lagu doortay Axmed Madoobe.

Shariif Sheekh ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo Hoggaamiyaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe, waxa uuna tilmaamay in doorashii maanta ka dhacday Jubbaland ay meesha ka saareyso muddo kordhintii ay damacsaneed Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu u hambalyeynayaa Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland mar kale u doortay Xilka Madaxweynaha Jubaland shanta sano ee soo socota, waxaana u rajeynaya Maxweyne Axmed, wuxuu Xisbiga Himilo Qaran u rajeynayaa in Alle uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday” Qoraal kasoo baxay Xiabiga ayaa lagu yiri

Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ka Xisbi ahaan ay cambaareynayaan tallaabooyinka madaxda dowladda Federaalka ku doonayaan in Ciidamada Qaranku ay u adeegsadaan dano siyaasadeed iyo ujeedooyin gurracan oo lagu qalqalgalinayo amniga iyo Xasilloonida deegaannada Jubaland.

Ugu dambeyn Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxweynaha la doortay Mudane Axmed Maxamed Islaam ku boorrinayay inuu door nabadoonnimo ka qaato sidii xal loogu heli lahaa arrimaha cakiran ee siyaasadda Dalka.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here