DEGDEG:Ciidan Itoobiyaan oo si xoog ah ku soo galay deegaanno hore oo katirsan G/Gedo

0
52

Wararka inaga soo gaaraya Gobalka Gedo, gaar ahaana deegaanada dhaca xaduuda Itoobiya ay la wadaagto gobalkaas ciidamada Itoobiya ee aan ka mid aheyn howlgalka Midowga Afrika ayaa wada dhaqdhaqaqyo ciidan, iyadoo wararka qaar sheegayaan in ay taageerayan dhinaca Jubbaland.

Sidoo kale qaar kamid ah masuuliyiinta gobalka Gedo ee taabacsan dhinaca Jubbaland ayaa la geeyey magaalada Godey, iyadoo lagu qaaday diyaarad ciidan, halkaas oo ay kulamo kula leeyihiin saraakiisha ciidanka Itoobiya, gaar ahaana qeybaha kusugan gudaha gobalka Gedo, oo ay ka wada hadlayaan arrimaha Amniga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doonaysa in ay dhammaan la wareegto goobaha ay ciidamada Itoobiya ka joogaan Gedo, Baay & Bakool, iyadoo sheegaysa in ATMIS laga saaray Itoobiya, aysana joogi karin gudaha Soomaaliya, xili ay JL diidan tahay arrintan.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here