Shir jaraa’id oo ay goordhaweyd magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ku qabteen Guddiga komishinka Doorashooyinka Somaliland ayey si rasmi ah ugu dhawaaqeen in xilka Madaxtinimada Somaliland shanta sanno ee soo socoto uu ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cigaal (Cirro) halka madaxweyne ku-xigeenka Somaliland uu ku guuleystay Maxamed Cali Cabdi, oo asna katirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.
Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in maxkamadda sare ee Somaliland ay qabsato waajibkeeda ku aadan doorashada dhacday iyo madaxweynaha cusub ee la doortay.
Dhinaca kale dabaal degyo ballaaran oo lagu tageerayo Madaxwenaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka biloowday magaalooyinka waa weyn ee Somaliland
Doorashadan oo ahayd mid si weyn loo sugayey, waxa ka qaybgalay boqolaal kun oo codbixiyeyaal ah, iyada oo natiijada rasmiga ah ay muujisay in Cirro uu ku guuleystay codadkii ugu badnaa.
Sikastaba Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaan wali ka hadlin natiijada soo baxday.
Wixii ku soo kordho halka kala soco warkan