Muqdisho – 5 May 2025
Shirkii la filayay in maanta uu ka furmo magaalada Muqdisho ee loogu magac daray Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa si lama filaan ah u baaqday, kaddib markii qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada aanay soo gaarin caasimadda.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland aysan qeyb ka ahayn shirka, halka maamulka SSC-Khaatumo la sheegay inuu ka mid yahay kuwa la casuumay.
Shirkan ayaa horay dib u dhac ugu yimid, waxaana lagu waday in lagu falanqeeyo arrimo muhiim ah sida doorashooyinka, amniga guud ee dalka, iyo xiriirka Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.
Inkasta oo aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Villa Somalia ama Golaha Wadatashiga Qaranka ilaa hadda, haddana baaqashada shirka waxay sare u qaadayaa walaaca laga qabo kala fogaanshaha siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda heer federaal iyo kuwa goboleed.