Sida ay sheegayaan laamaha amniga Puntland, markab nooca xamuulka ah oo laga shakisan yahay ayaa muddo 24 saacadood ah taagnaa agagaarka xeebaha Bareeda, ee gobolka Raascaseyr – halkaas oo horey looga qabtay Markabka Sea World, kaasoo lagu tuhmayo inuu siday shixnad hub ah, islamarkaana maalinkii labaad ku xiran marsada Boosaaso.
Saraakiisha amniga Puntland ayaa sheegay in ay wadaan hubin dheeraad ah, si loo xaqiijiyo haddii markabkan cusub uu yahay mid la mid ah Sea World ama uu khatar kale xanbaarsan yahay.
Dhinaca kale, guddiga gaarka ah ee ay Puntland u xilsaartay baaritaanka Markabka Sea World ayaa wali ku guda jira daraasad iyo baaris ku saabsan nooca iyo tirada hubka saaran, iyadoo ilaa iyo hadda aanay jirin cid si rasmi ah sheegatay lahaanshaha shixnadda.
Wararka hoose ayaa tilmaamaya in arrintani ay kordhisay walaaca ku aaddan ammaanka xeebaha Puntland, iyadoo loo baahan yahay feejignaan dheeraad ah si looga hortago suuqyada madow ee hubka iyo faragelinta xasilloonida gobolka.
RNN Somali TV kala soco wixii kusoo kordha wararkan muhiimka ah.