Dowladda Pakistan ayaa maanta si rasmi ah u xirtay dhammaan xuduudaha ay la wadaagto dalka Iran, kaddib markii ay soo xoogaysteen xiisadaha gobolka iyo cabsi laga qabo inuu ballaarto dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israel.
Go’aankan lama filaanka ah ayaa ku soo beegmaya iyadoo xaaladda gobolka ay noqotay mid aad u kacsan, laguna waramayo in muwaadiniin badan oo u dhashay Pakistan ay ka baxeen gudaha Iran, iyagoo ka cabsaday in colaadda sii ballaarato, saameynna ku yeelato dadka rayidka ah.
Dowladda Pakistan ayaa ku dhawaaqday in tallaabadan ay tahay mid ku-meel-gaar ah, isla markaana ay la xiriirto arrimo amni iyo ilaalinta muwaadiniinteeda.
Wararka laga helayo xadka labada dal ayaa sheegaya in gaadiidkii xamuulka iyo dadweynuhu ay hakad galeen, iyadoo ciidamada ammaanku la wareegeen baraha muhiimka ah ee laga gudbo xadka.