Warar ay heshay RNN Somali TV ayaa xaqiijinaya in uu si rasmi ah u soo idlaaday kulankii albaabadu u xirnaayeen ee dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha Madasha Samatabixinta Qaranka, oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Xogaha laga helay kulanka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu shaaca ka qaaday in uu ka laabanayo wax-ka-beddelka Cutubka 4-aad ee Dastuurka, isagoo codsaday 20 maalmood oo dheeri ah si uu talo iyo wadatashi ula yeesho saaxiibadiisa siyaasadeed.
Cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah ayaa ah mid xambaarsan qodobada ugu muranka badan ee siyaasadeed, kuwaas oo si weyn looga aragti duwan yahay, gaar ahaan arrimaha la xiriira:
• Nidaamka federaalka
• Awood qeybsiga dowladda
• Doorashooyinka dalka
Xubnaha mucaaradka ayaa la sheegay inay muujiyeen niyad wanaag iyo rajo, maadaama ay muuqato isu soo dhawaansho siyaasadeed, inkasta oo aan weli si rasmi ah warbaahinta loola hadlin ama qoraal laga soo saarin kulanka.
Labada dhinac ayaa dib isugu ballamay 10-ka Agoosto 2025, si loo sii ambaqaado wadahadallada, loona helo xal qaran oo mideeya.