Tel Aviv, Juun 18, 2025 – Taliska milatariga Israel ayaa shaaciyay in gantaalka ay Iran ku weerartay magaalada Tel Aviv saaka uu ahaa mid si gaar ah loo farsameeyay, isla markaana gudaha ugu jiray qaraxyo kale oo isku xiran, kuwaas oo miisaankoodu gaarayo 2.5 kg.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Difaaca Israel (IDF), gantaalkaasi wuxuu si toos ah u beegsaday mid ka mid ah halbowlayaasha muhiimka ah ee Tel Aviv, balse ay ciidamadu kusoo beegmeen kahor inta aanu burbur ba’an geysan.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in gantaalkaasi uu lahaa nidaam qarxa oo isku xiran, taasoo ka dhigan in ujeedadu ahayd in la sababeeyo khasaare ballaaran oo ka dhaca goobta uu ku dhaco.
Weli lama xaqiijin tirada khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, balse ciidamada ammaanka iyo dab-demiska ayaa weli howlgallo ka wada goobta.
Xaaladda Tel Aviv ayaa weli kacsan, iyadoo dadweynuhu ay si weyn u dareemayaan cabsi iyo feejignaan, maadaama ay jiraan warar sheegaya weerarro kale oo suurtagal ah.
RNN Somali TV waxay si toos ah u dabagaleysaa xaaladda, waxayna la socon doontaa wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israel.