DEGDEG: Dowladda Iran oo si kulul u cambaareysay weerarka Mareykanka ku qaaday goobaha Nukliyeerka ee Iran

0
31

Tehraan – Dowladda Iran ayaa si adag u cambaareysay weerar milatari oo ay Dowladda Mareykanka ku qaaday xarumo nukliyeer ah oo ay Iran ku tilmaantay kuwo nabdoon, iyagoo ku eedeeyay Mareykanka inuu jebiyay mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, oo warbaahinta kula hadlay Tehraan, ayaa ku tilmaamay weerarka mid foosha xun oo ah xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo gobonnimada Iran, oo ah xubin buuxda oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

“Maamulka dagaalka u xiisaha qaba ee Washington wuxuu halis gelinayaa xasilloonida gobolka, isagoo keligii ah sababta keentay gardarrooyinka sii kordhaya,” ayuu yiri Araghchi.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Iran marnaba ka tanaasuli doonin madaxbannaanideeda, isla markaana ay sii wadi doonto difaaca qarankeeda iyo dadka reer Iran.

“Weerarkan wuxuu mar kale shaaca ka qaaday cadaawadda Mareykanku u qabo shacabka nabadda jecel ee Iran. Dowladda Islamiga ah ee Iran waa mid u heellan difaaca gobnimadeeda iyo ammaanka muwaadiniinteeda,” ayuu yiri wasiirka.

Iran ayaa uga digtay Mareykanka in tallaabo kasta oo kale oo la mid ah ay la kulmi doonto jawaab adag, iyadoo sidoo kale ka dalbatay beesha caalamka inay cambaareyso waxa ay ugu yeertay “gardarro iyo xadgudub sharci-darro ah.”

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here