Sunday, February 23, 2025
spot_img
HomeARIMAHA BULSHADADEGDEG: Dagaal xooggan oo ka socda deegaan ku yaalla galbeedka gobolka Mudug

DEGDEG: Dagaal xooggan oo ka socda deegaan ku yaalla galbeedka gobolka Mudug

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal ka qarxay waaberigii hore ee saakay galbeedka gobolka Mudug, kaasi oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan oo ah mid xooggan ayaa si gaar ah uga socda deegaanka Jiicboor ee gobolka Mudug, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus.

Ilo ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in goobo horleh uu dagaalka ku sii fiday, isla markaana uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo gala gaaray labada dhinac ee dirirtu u dhaxeeyso.

Sidoo kale wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in dagaalka uu markii hore ka dhashay is qab-qabsi dhul kaasi oo markii dambe sababay in labada maleeshiyo uu dagaalka ka dhex-qarxo.

Xaalada ayaa ah mid aad u kacsan, waxaa dhaq-dhaqaaq iska soo hor-jeeda laga dareemaya deegaanka uu dagaalka ka socda iyo deegaan hoos yimaada ee gobolka Mudug.

Dhinaca kale ilaa iyo ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulada Galmudug iyo Puntland oo ay uga hadlayaan dagaalkan khasaaraha dhaliyay ee ka socda gobolka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments