Xoghayaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, Kofi Aadan, ayaa galabta ka hadlay fal uu ku tilmaamay weerar sharci darro ah oo lagu qaaday gurigiisa, isagoo si kulul uga digay ficillada lidka ku ah mucaaradka.
Kofi Aadan ayaa yiri:
“Galabta, abaare 4:00 galabnimo, ciidamo sheegayay in ay ka socdaan maamulka gobolka ayaa si sharci darro ah oo daandaansi leh ugu yimid gurigeyga. Waxay igu amreen in aan ka guuro xaafadda, iyagoo aan wata wax waraaq sharci ah oo arrintaas caddaynaya.”
“Aniga oo ixtiraamaya nabadda iyo qiyamka dowladnimo, waxaan ku dedaalay in aysan xaalad kacsan ka dhalan goobta. Waxaan si cad ugu sheegay ciidamadaas in ay laabtaan oo ay yimaadaan iyagoo wata sharci iyo fasax rasmi ah oo ay ka wataan cidda ay u shaqeynayaan.”
Xoghayaha mucaaradka ayaa sidoo kale shaaciyay in uu horay u helay fariimo hanjabaad ah oo lagu sheegayay in xubnaha Madasha Samatabixinta la beegsan doono, kuwaas oo uu ku sheegay mid si cad uga tarjumaya aragtida dowladda ee ka dhanka ah dadka ay siyaasadda ku kala duwan yihiin.
“Waxaan la yaabanahay sababta dowlad kasta oo cusub ay ugu bilaabato howlgaladeeda magaca Maxamed Madarkicis — isagoo durba noqda bartilmaameed. Waa arrin muuqata oo muujineysa siyaasadda caburinta iyo cabsigelinta.”
Kofi Aadan ayaa ugu dambeyn sheegay in haddii sharciga iyo dowladnimada la baalmaro, ay raggu isu yihiin, isagoo ugu baaqay in arrimaha noocan oo kale ah aan lagu ciyaarin xasiloonida dalka.
