DEG DEG: Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo Saacado Lagu Xayiray Garoonka Joma Kenyatta ee Nairobi

0
80

Guddoomiye ku-xigeenkii 1-aad ee hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, ayaa lagu xayiray muddo saddex saacadood ah Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Xildhibaan Dalxa, oo ah siyaasi waaya arag ah oo muddo dheer kusoo jiray siyaasadda Soomaaliya, kana mid ahaa shaqsiyaadka xilal sare kasoo qabtay dowladda Federaalka, ayaa RNN Somali TV u xaqiijiyay in xariggiisu la xiriiray go’aanno hore oo uu ka qaatay qadiyadda Badda Soomaaliya xilligii uu ka tirsanaa Baarlamaanada Jaamacadda Carabta.

Hey’adda Socdaalka Kenya ayaa Xildhibaanka hor dhigtay liis rasmi ah oo ay ku qoran yihiin magacyada madax iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo laga mamnuucay in si xor ah uga gudbaan garoonka Joma Kenyatta – waxaana uu Dalxa kamid noqday liiskaasi.

Xildhibaan Dalxa ayaa sidoo kale sheegay in Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Danjire Jibriil Cabdulle, uu si degdeg ah ugu yimid garoonka, islamarkaana uu si adag ula dooday mas’uuliyiinta Socdaalka Kenya, ugu dambeyntiina ku guuleystay in xildhibaanka la sii daayo.

Xildhibaan Dalxa ayaa lagu tilmaamaa siyaasi Soomaaliyeed oo si qoto dheer ugu lug lahaa dadaallada midnimada iyo qarannimada Soomaaliya, sidoo kalena ah aqoonyahan sumcad iyo qadarin weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here