
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray horumarin ballaaran oo lagu sameeyay Xerada Tababarka Ciidamada ee Jen. Dhagabadan.
Munaasabadda daahfurka ayaa sidoo kale lagu wareejiyay Gaadiid Ciidan casri ah oo uu Midowga Yurub ku wareejiyay Dowladda Federaalka, si kor loogu qaado awoodda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isagoo xusay in horumarka lagu sameeyay xarunta Dhagabadan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu dhisayo ciidan qaran oo tayo leh, kartina u leh difaaca dalka iyo la dagaallanka argagixisada.
Wasiirka waxaa ku weheliyay saraakiil ciidan iyo xubno ka socday Midowga Yurub oo ku bogaadiyay Dowladda Federaalka sida ay uga go’an tahay horumarinta amniga iyo tababarka ciidamada.
Horumarinta xarunta iyo gaadiidka cusub ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada lagu dhisayo ciidan Soomaaliyeed oo awood u leh la wareegidda mas’uuliyadda amniga marka howlgalka ATMIS uu dhamaado.