DEG DEG: Wasiir Ku-Xigeen ka tirsan Jubbaland oo ku geeriyooday Muqdisho

0
30

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamuud Cabdinuur Beerxaani oo ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowlad-goboleedka Jubbaland. Marxuumka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku jiray isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho halkaas oo ugu dambeyn uu maanta ku geeriyooday.

Geerida Marxuumka waxaa si qoto dheer uga tacsiyadeeyay madaxda sare ee Jubbaland. Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Maxamuud Cabdinuur Beerxaani uu door muhiim ah ka soo qaatay dhismaha dowladnimada Jubbaland, isagoo ahaa masuul si hawlkarnimo iyo daacadnimo leh ugu soo shaqeeyay bulshada reer Jubbaland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumku. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Maxamuud Cabdinuur uu ahaa masuul kaalin muuqata ka qaatay horumarinta arrimaha deegaanka iyo la tacaalidda isbedelka cimilada.

Madaxda Jubbaland waxay Alle uga baryeen in uu naxariistii janno ka waraabiyo marxuumka, eheladiisana uu siiyo samir iyo iimaan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here